Ka soo qaad inaan haysano isle'egta toddoba lagu dhuftay x waxay le'egtahay afar iyo toban Haddaba ka hor inta aanan isku dayin furfurka isle'egta Waxa aan rabo inaan sameeyo waa ka fakirka micnaha isle'egta Toddoba x waxay le'egtahay afar iyo toban Tani waxay la mid tahay adiga oo yiri toddoba lagu dhuftay x Haatan waxaa suurtagal ah inaad maskaxda ku xallisid Waxaad adeegasan kartaa jedwelka isku dhufashada ee 7 Waxaad oran kartaa 7 lagu dhuftay 1 waxay le'egtahay 7, marka taasi ma shaqaynayso 7 lagu dhuftay 2 waxay le'egtahay 14, marka 2 waa ku habboon tahay halkan Marka waxaa si dhakhso ah kuu suurtagal ah inaad hesho xalka Waxaad si dhakhso ah oran kartaa , adiga oo tijaabinaya tirooyin kala duwan, xalku wuxuu noqon doonaa 2 Hase yeeshee waxa aynu rabno inaynu ku sameyno fiidyowgan waa sidee u sameynaa xal ku salaysan habdhis Maadaama aynu ogaan doono in marba marka ay isle'egahani kasii dhib bataan, suurtagal kuu noqon mayso inaad ka fakarto oo keliyo adigoo maskaxda ku sameynaya Marka waxaa dhab ahaanti muhiim ah inaad fahamto sida aad uga shaqayn lahayd isle'egahan, waxase ka sii muhiimsan inaad fahamto waxay u taagan yihiin. Tani waxay si toos ah u sheegaysaa in 7 lagu dhuftay x le'egtahay 14. Ma qorno calaamadda isku dhufashada markaynu qorayno aljebrada Marka aad qortid laba tiro oo isku xiga ama tiro iyo doorssome isku xiga sida 7x, taas micneheedu waa adiga oo isku dhufunaya