Ka soo qaad inaan haysano isle'egta toddoba lagu dhuftay x waxay le'egtahay afar iyo toban
Haddaba ka hor inta aanan isku dayin furfurka isle'egta
Waxa aan rabo inaan sameeyo waa ka fakirka micnaha isle'egta
Toddoba x waxay le'egtahay afar iyo toban
Tani waxay la mid tahay adiga oo yiri toddoba lagu dhuftay x
Haatan waxaa suurtagal ah inaad maskaxda ku xallisid
Waxaad adeegasan kartaa jedwelka isku dhufashada ee 7
Waxaad oran kartaa 7 lagu dhuftay 1 waxay le'egtahay 7, marka taasi ma shaqaynayso
7 lagu dhuftay 2 waxay le'egtahay 14, marka 2 waa ku habboon tahay halkan
Marka waxaa si dhakhso ah kuu suurtagal ah inaad hesho xalka
Waxaad si dhakhso ah oran kartaa , adiga oo tijaabinaya tirooyin kala duwan,
xalku wuxuu noqon doonaa 2
Hase yeeshee waxa aynu rabno inaynu ku sameyno fiidyowgan waa
sidee u sameynaa xal ku salaysan habdhis
Maadaama aynu ogaan doono in marba marka ay isle'egahani
kasii dhib bataan, suurtagal kuu noqon mayso
inaad ka fakarto oo keliyo adigoo maskaxda ku sameynaya
Marka waxaa dhab ahaanti muhiim ah inaad fahamto
sida aad uga shaqayn lahayd isle'egahan, waxase ka sii muhiimsan
inaad fahamto waxay u taagan yihiin.
Tani waxay si toos ah u sheegaysaa in 7 lagu dhuftay x le'egtahay 14.
Ma qorno calaamadda isku dhufashada markaynu qorayno
aljebrada
Marka aad qortid laba tiro oo isku xiga ama tiro iyo
doorssome isku xiga sida 7x, taas micneheedu waa adiga oo
isku dhufunaya