1 00:00:22,660 --> 00:00:25,660 Luuqadayada iskuulka ma aha mid fudud in la fahmo. 2 00:00:26,760 --> 00:00:32,100 Waxaa laga yaabaa in aad u timaado kulanka hormarinta ardayga, oo aad maqasho anagoo ku dhahayna, innankaagu ama innantaadu si sax ah bay wax u akhrin karaan, 3 00:00:32,439 --> 00:00:37,060 si hormarsan ayey uga qaybqaataan doodaha iyo munaaqashada, waxaana ku qiimaynaa anagoo raacayna shuruudaha heer aqooneedka noo degan. 4 00:00:38,320 --> 00:00:42,300 Anaga iskuulka ah waxa na saaran waajibka ah in aan idiin qeexno sida aan u shaqayno. 5 00:00:43,480 --> 00:00:46,700 Adiguna waxaad ku leedahay door muhiim ah iskuul dhigashada ilmahaaga. 6 00:00:46,700 --> 00:00:52,880 Sidaas darteed waxaan rabnaa inaad fahanto sida aan u shaqayno, shahaadada iyo qiimaynta. 7 00:01:01,220 --> 00:01:06,120 waa xaqiiq oo cidna kama qarsoona inay jireen waxyaabo madmadow ku jiro oo ku saabsan dhanka iskuulka. 8 00:01:06,940 --> 00:01:12,040 waxaa la qoraa mararka qaarkood in ardadayadu aysan isku aqoon ahayn ardayda wadamada kale. 9 00:01:14,180 --> 00:01:18,500 Xalka mid ka mid waxay noqotay in la sameeyo manhaj waxbarasho oo cusub. 10 00:01:18,720 --> 00:01:24,260 Kaa oo u cad macalimiinta oo na gaarsiin kara natiijo wanaagsan. 11 00:01:24,920 --> 00:01:29,280 Sanadkii 2011 waxaa nasoo gaaray manhaj cusub iyo qaab cusub oo shahadada. 12 00:01:30,120 --> 00:01:36,040 Waxaa ku qoran waxa ay tahay in aan ka shaqayno, sida aan u shaqaynayno, waxa aan qiimaynta ku samaynayno. 13 00:01:36,740 --> 00:01:42,400 Waxaa sidoo kale helnay liis ka kooban maada kasta oo aan ka shaqaynayno. 14 00:01:43,340 --> 00:01:47,620 Waxaa sidoo kale ku qoran, karaanka aqooneed ee laga rabo ubadkiina. 15 00:01:48,640 --> 00:01:53,200 Waxaan leenahay shuruud aqooneed, kaas oo laga yaabo in aad u taqaanan shuruudaha shahaadada. 16 00:01:53,640 --> 00:01:56,100 Taas oo ay ku qorantahay waxa ay tahay in aan qiimayno. 17 00:01:56,400 --> 00:02:02,680 Imtixaanka Heer aqooneedka waxaa laga qaadaaa fasalada kala ah sadexaadka, lixaadka, iyo sagaalaadka. 18 00:02:04,160 --> 00:02:07,960 Maanta waxaan leenahay, hadaf iyo hab shahaado oo aqoon ku salaysan. 19 00:02:08,500 --> 00:02:14,400 Laakiin sidaan filayo waxaad idinka waalidiinta ah u taqaanan habka u qalanta am u dhiganta ardayga. 20 00:02:14,880 --> 00:02:22,520 Qaabka darajo qaybinta caadiga, ma xasuusataan? darajada shanaad way dhamaan jirtay, boqolkiiba todoba ayey lahaayeen shanaadyadu. 21 00:02:23,240 --> 00:02:27,380 Marka qofna saaxiibkiis inuu caawiyo ma rabo, isagoo ka baqayo inuu ka fiicnaado ama ka hormaro. 22 00:02:27,380 --> 00:02:30,180 Ama aanan u galin darajada shanaadka. 23 00:02:30,180 --> 00:02:33,380 Maxaa yeelay isku meel baan maraynaa. 24 00:02:33,600 --> 00:02:37,900 Maya maanta waxaan leenahay bartilmaameed (hadaf) iyo hab shahaado oo aqoón ku dhisan. 25 00:02:38,380 --> 00:02:43,720 Macnuhu waa in aan buuxino shuruudaha laga rabo si hadafka loo gaaro, anaga macalimiinta ah ayaana ka shaqayna. 26 00:02:44,420 --> 00:02:49,480 Dhammaan carruurta, iyaga oo aan loo fiirin saaxiibadood ayaa gaari karaan ujeedkaan. 27 00:02:49,700 --> 00:02:53,560 Waana waajib na saaran in ardaydu gaaraan meel fiican oo sare. 28 00:02:53,880 --> 00:02:59,140 Kadibna waxaan qiimaynaa, awooda ay ku gaareen hadafkaan. 29 00:02:59,460 --> 00:03:07,780 Maanta waxaan leenahay qaab cusub oo shahaadada loo bixiyo, ma aha hab cusub ee waa qaab ama jaranjaro cusub. 30 00:03:08,700 --> 00:03:12,760 Anaga macalimiinta ah ayaa codsanay qaabkan, waxaan rabnay heerar darajooyin oo badan. 31 00:03:13,600 --> 00:03:17,820 Awal waxaan lahayn baasitaan (G) baasid sare (VG) baasid aad u xoogan (MVG) waxaan isla qaadanay in aysan qaabkan ku filnayn. 32 00:03:18,540 --> 00:03:29,300 Kadibna waxaan bilownay in aan ku qasno baas sare oo dheeraad ah (VG++) baasitaan hooseeya (G-). si loo muujiyo meesha ardaygu aqoontiisu ku sugantahay. 33 00:03:29,760 --> 00:03:34,080 Laakiin hadda waxaan helnay qaab cusub oo waliba xarfo badan leh. 34 00:03:34,420 --> 00:03:41,960 laga soo bilaabo F ilaa A, Shahaadada baasitaanka waxaa ugu hooseysa E waxaana ugu sareeysa A. 35 00:03:41,960 --> 00:03:50,020 F waxaa laga wadaa ma baasin ee waa dhacay. saas baan ka wadnaa haddan anaga macalimiinta ah F shahaada ah siino arday.. 36 00:03:50,020 --> 00:03:53,960 Marka waxaa loo baahanyahay sidii aan u caawin lahayn ardaygaan. 37 00:03:53,960 --> 00:03:59,680 Si loo gaarsiiyo darajo uu ku baasi karo. 38 00:03:59,680 --> 00:04:04,800 Haddii adiga waalidka ah aad haysato ilmo looga baqayo inuu dhaco ama uusan baasi karin. 39 00:04:04,800 --> 00:04:10,740 Waa i iskuulku kaaga waramo kadibna uga wada hadashaan oo la qorsheeyo sidii loo caawin lahaa. 40 00:04:10,740 --> 00:04:15,060 Si loo gaarsiiyo ardayga meel fiican oo ku guulaysan karo. 41 00:04:17,399 --> 00:04:25,920 Qayb idinka mid ah waalidiinta ayaa iskudaya in ay ku fasiraan qaabkaan cusub ee xarfaha ah E ilaa A qaabkii hore 1 ilaa 5. 42 00:04:25,920 --> 00:04:33,740 Taas oo aad ka dhigaysaan E in ay u dhiganto koow (1). laakiin sax ma aha. 43 00:04:34,720 --> 00:04:41,800 Maya waa qaab kale sida loo bixiyo maanta shahaadada. Shaqo badan ayey u baahantahay in la helo shahaadada darajada E. 44 00:04:42,780 --> 00:04:52,940 Laakiin haddii si sax ah loo turjumo E waxay u dhigantaa sadexaad qaabkii hore. 45 00:04:54,780 --> 00:04:58,160 Saan bay tahay heer aqooneedka marka aan gelinayno manhajka waxbarashada. 46 00:04:59,020 --> 00:05:02,940 Tani waa heer aqooneedka maadada juquraafiga ee fasalka lixaad. 47 00:05:02,940 --> 00:05:08,220 Heer aqooneedka shahaadooyinka kala duwan waxay ka kacaan isku qoraal, waxa isbadalaya waa. 48 00:05:08,220 --> 00:05:13,300 Tusaale ahaan waa hormarka, kasoo bilowda aasaaska ilaa heerka sare ee aqoonta. 49 00:05:13,300 --> 00:05:17,740 Iyo sidoo kale ka qaybqaadasho fudud oo u kordhaysa mid meel sare ah. 50 00:05:17,740 --> 00:05:21,920 Dhismahaan aqooneed waa isku mid xitaa fasalka sagaalaad. 51 00:05:23,320 --> 00:05:30,060 Haddan hoos u fiirino tusaalaha E, waxay dhahaysaa, in ardaygi leeyahay aqoonta aasaaiga ah ee wadashaqaynta ee u dhaxaysa, 52 00:05:30,060 --> 00:05:35,980 Dadka iyo degaanka, dabiiciga, uuna muujiyo ilaa xad ka qayb qaadasho dooda fudfudud. 53 00:05:35,980 --> 00:05:43,320 Sababta iyo natiijada iyo badashada bulshada, isusocodkooda, cimilada, dhirta, iyo wixii la mid ah. 54 00:05:44,640 --> 00:05:50,280 Haddaan fiirino C: Ardaygu waa inuu aqoon fiican u leeyahay, wadashaqaynta ka dhaxaysa, dadka iyo deegaanka, iyo dhirta, 55 00:05:50,280 --> 00:05:54,720 Uuna muujin karaa inuu leeyahay aqoon sare oo uu kaga qayb qaadan karo. 56 00:05:54,720 --> 00:05:57,500 Doodaha ku saabsan sababaha iyo cawaaqibka 57 00:05:57,500 --> 00:06:01,300 A: waa in uu ardaygu aqoon aad u durugsan u leeyahay. 58 00:06:01,300 --> 00:06:04,420 Wadashaqaynta, u dhaxeeysa, dadka, deegaanka, iyo dhirta. 59 00:06:04,420 --> 00:06:07,520 Uuna muujin karaa inuu u leeyahay aqoon durugsan oo baaxad leh oo waliba cilmiyeysan. 60 00:06:09,300 --> 00:06:14,880 Haddaan ku laabano mar kale E: ardaygu wuxuu leeyahay aqoonta gundhiga ah ama aasaasiga ah... 61 00:06:15,640 --> 00:06:20,860 Maxaa laga wadaa haddaba? haa furuhu waxaa weeye, muujinta aqoonta uu leeyahay fullinta shaqooyinka fudud. 62 00:06:20,860 --> 00:06:23,980 oo ilaa heer cayiman uu ka qaybqaadan karo doodaha iyo munaaqishooyinka. 63 00:06:23,980 --> 00:06:28,700 Anaga macalimiinta ah waa inuu ardaygu noo muujiyaa firfircoonidiisa. 64 00:06:28,700 --> 00:06:32,980 Si ugu qiimayno tayadiisa iyo shaqada uu samaynayo. 65 00:06:32,980 --> 00:06:37,800 Kabacdina aan go'aamin karno darajada ay tahay shahaadada uu heli karo ardaygu. 66 00:06:39,080 --> 00:06:41,860 laakiin waa sidee darajooyinka badan. 67 00:06:41,860 --> 00:06:45,800 laakiinse tani waa qoraalka loogu tala galay E, C, A 68 00:06:46,140 --> 00:06:50,940 Haa, sidoo kale ujeedku waxaa weeye in laga fikiro , shahaadooyinka u dhaxeeya , 69 00:06:50,940 --> 00:06:55,200 Si loo helo D: waa in la buuxiyaa dhamaan waxa laga rabo E. 70 00:06:55,200 --> 00:06:59,060 iyo qaybta hore ee C. 71 00:06:59,060 --> 00:07:00,720 Markaas wuxuu helayaa D. 72 00:07:01,200 --> 00:07:07,960 Haddii ardaygu buuxiyo shuruudaha laga rabo, E, C, iyo waliba qaybta hore ee A, markaas wuxuu helayaa shahaadada B. 73 00:07:12,780 --> 00:07:17,800 Heerarkaan aqooneed kaliya kuma xirna sida aan u qiimayno qaoonta ardayda. 74 00:07:17,800 --> 00:07:21,620 Ee xitaa waxaa kaloo ku xiran waxbaristeena. 75 00:07:21,980 --> 00:07:27,560 Haddii ardaygu awoodo, doodaha, sababaha, iyo natiijooyinka. 76 00:07:27,560 --> 00:07:31,000 Waa in waxbaristayaduna ka hadashaa arrintaas. 77 00:07:31,000 --> 00:07:35,600 Waa in aan ka hadalnaa sababaha kala duwan iyo cawaaqibka kala duwan. 78 00:07:35,600 --> 00:07:39,940 Si ardayga fahamkiisa ku saabsan casharkaas u hormaro. 79 00:07:39,940 --> 00:07:43,420 Waana saas sida ay u dhisantahay, heer aqooneedkayagu. 80 00:07:44,540 --> 00:07:49,320 Tani waa shuruud aqooneedka juquraafiga, fasalka lixaad, oo tusaalaha usoo qaadanay. 81 00:07:49,320 --> 00:07:53,120 Sidoo kalena waxaan u leenahay heer aqooneed laga rabo fasalka sagaalaad. 82 00:07:54,620 --> 00:08:00,360 Laakiin sidee u shaqaysaa? Ma u lihin miyaa wax shuruud ah ama heer aqooneed oo laga rabo fasalada afaraadka, shanaadka,, todobaadka, iyo sideedaadka.? 83 00:08:00,800 --> 00:08:07,040 Maya uma lihin. laakiin waxaa laga rabaa oo loo isticmaalayaa kan lixaadka laga rabay, fasalada afaraadka iyo shanaadka. 84 00:08:07,040 --> 00:08:12,580 Waxaan sidoo kale u isticmaalaynaa kii sagaalaadka ku xirnaa, fasalada todobaadka iyo sideedaadka. 85 00:08:13,200 --> 00:08:15,960 Laakiin waxaa jiraya horukac iyo sareyn laga rabo xaga wax qorista. 86 00:08:15,960 --> 00:08:20,500 Waxaan ka wadnaa markaan qiimaynayno, shaqo fudud oo fasalka afaraadka ah, 87 00:08:20,500 --> 00:08:24,360 way ka duwan tahay sidoo kale shaqo fudud oo lixaadka ah. 88 00:08:25,280 --> 00:08:27,720 Way ka yara fududahay. 89 00:08:28,240 --> 00:08:32,120 Waxaa kaliya laga filyaa inuu ka qaybqato intii waxbarashadii 90 00:08:32,120 --> 00:08:37,240 uu soo qaatay, ardayga oo jira toban sano ama afar iyo toban sano. 91 00:08:38,000 --> 00:08:43,720 laakiin maxay tahay shaaqada (dooda) fudud ama mida hormarsan.? sidee loo kala saaraa? 92 00:08:44,720 --> 00:08:51,840 Anaga macalimiinta ah ayaa u hayna talobixin ku saabsan arrintaan. waxaa la dhihi karaa 93 00:08:51,840 --> 00:08:56,000 Dooda fudud waxaa loola jeedaa inuu ardaygu yaqaan isku xirka iyo isu badalka cashiradiisi u qornaa. 94 00:08:56,000 --> 00:08:58,400 iyo munaaqishooyinka kooban. 95 00:08:58,400 --> 00:09:01,520 A ilaa iyo B. 96 00:09:02,240 --> 00:09:05,840 Ka qaybqaadashada baaxada leh. 97 00:09:05,840 --> 00:09:10,480 waxaa weeye isku xir wayn iyo ka qaybqaadasho doodaha dhaadheer. 98 00:09:11,240 --> 00:09:17,040 A ilaa B, taas oo hoos u socon karta ilaa C haddana kusoo laabato A. 99 00:09:18,600 --> 00:09:24,400 Anaga macalimiinta ah waan naqaan hadday tahay ka qaybqaadashad mid sahlan iyo mid culus. 100 00:09:25,280 --> 00:09:33,760 Muhiimadu ma aha inta uu ardaygu keeni karo ee waa inta uu wax ka qabto oo uu ka shaqeeyo waxyaabaha laga rabo. 101 00:09:33,760 --> 00:09:38,320 Sidaas darteed waa sida fiican ee u uga shaqeeyo tusmada casharada. 102 00:09:38,320 --> 00:09:40,880 Mid jilicsan ama mid adag. 103 00:09:48,480 --> 00:09:55,160 Waxaan ka shaqaynaa in aan hormarino aqoonta carruurtiina hadday tahay fahamka iyo lasocodka xisaabta. 104 00:09:55,160 --> 00:10:00,980 Soo gudbinta hadalka iyo qoraalka iswidhishka, iyo sidii aan uga caawin lahayn heer aqooneed. 105 00:10:00,980 --> 00:10:05,120 Saan isticmaalno marka aan qiimaynayno waa ilaa heerkee ayey carruurtiinu isbadaleen. 106 00:10:05,120 --> 00:10:09,200 Waxaan leenahay casharo muhiim ah kuwaas oo gundhig u ah waxbaristayada. 107 00:10:10,120 --> 00:10:15,840 Maxaa yeelay waxaan aaminsanahay, ardaygii ka qaybgala doodaha, munaaqishada, 108 00:10:15,840 --> 00:10:20,800 ka hadla oo baaritaan ku sameeya, wuxuu u baahanyahay, ugu danbayn, 109 00:10:20,800 --> 00:10:27,320 Oo wuxuu noqonayaa arday fahamsan wixi . halkii uu kaliya soo xafidi lahaa oo mar uu soo saari lahaa. 110 00:10:28,000 --> 00:10:33,600 Barashada aan aaminsanahay in ay ku hagayso natiijo wanaagsan iskuulka. 111 00:10:37,600 --> 00:10:40,640 Waa sidee ku caawin kartaan haddaad tihiin waalidiinta? 112 00:10:41,000 --> 00:10:44,680 Fadlan ka shaqeeya su'aalaha ah sidee iyo sababtee marka guriga la joogo. 113 00:10:44,680 --> 00:10:51,800 Kala hadla carruurtiina, maxay ku dhacday, sidee ku noqotaa iniinta yari (siidhku) geed wayn? 114 00:10:51,800 --> 00:10:57,480 Markaad saas samaysaan waxaad sare u qaadaysaan ka qaybqaadashada iyo horumarka ardayga ee iskuulka. 115 00:10:58,040 --> 00:11:06,880 Sidaan ay iniintu ku noqoto geedka uma baahna in qofku uu dusha ka barto habka ay dhirtu qoraxda nafaqada uga qaadato. 116 00:11:06,880 --> 00:11:10,120 Ee waxay u baahantahay in la fahmo habka oo dhan biloow ilaa dhamaad. 117 00:11:11,560 --> 00:11:16,760 Xaga erayada, waxaan filayaa inay waalidiintu garanayaan oo fahamsanyihiin in looga dhagaysto guriga. 118 00:11:16,760 --> 00:11:21,320 Laakiin ma qiimayno inta eray ee uu aradygu soo tuuro. 119 00:11:21,320 --> 00:11:25,800 Ee sida uu u dhisayo erayga, sida uu jumlada u galinayo, sida u xiriirka ugu samaynayo. 120 00:11:25,800 --> 00:11:28,440 Maxaa yeelay waa waxa muhiimka ka ah maanta iskuulka. 121 00:11:31,560 --> 00:11:34,640 Waxaa hubaal ah in aan haysano qorshe koorseed wanaagsan. 122 00:11:34,640 --> 00:11:41,560 Waalidiin badan ayaa isweydiiya maxaa ku iman kara cunugayga oo yara qajila. 123 00:11:41,560 --> 00:11:45,240 Mar kasta oo la hadlayo ama la sheekaysanayo. 124 00:11:46,520 --> 00:11:50,640 Waxaa muhiim ah in la ogaado in ay jiraan habab badan oo loo xalin karo arrintaan. 125 00:11:50,640 --> 00:11:58,440 Wuu soo diyaarin karaa oo qaab qoraal ah kusoo gudbin karaa. Macalin aan la kulmay ayaa ii sheegay in uu doortay inuu la sheekaysto ardadiisa. 126 00:11:58,440 --> 00:12:04,240 Si uu ogaado una qiimeeyo sida uu uga qayb qaadan karo doodaha iyo wada xaajoodka. 127 00:12:04,800 --> 00:12:07,980 Waxaa jiray ahl arday oo uu dareemay inuu aad u xishood badanyahay. 128 00:12:07,980 --> 00:12:13,560 Markuu la sheekaystay ardaygiina uu arkay inuu si fiican wax u yaqaan. 129 00:12:13,560 --> 00:12:17,800 Waana wax gabi ahaanba dabiici ah in ay saa noqoto xiriirka ilmo toban iyo laba jir ah. 130 00:12:21,120 --> 00:12:23,920 Haddaba sideen u diyaarinaynaa anaga macalimiinta ah? 131 00:12:24,720 --> 00:12:31,760 Mida muhiimka ah waa in qiimayn guud lagu sameeyo aqoonta ardayga ee maalintaas la joogo markaan shahaadad diyaarinayo. 132 00:12:31,760 --> 00:12:35,480 Waxaana u samaynayaa anoo raacaya heer aqooneedka laga rabay. 133 00:12:36,960 --> 00:12:38,400 Haddaba maxay tahay taasi macnaheeda? 134 00:12:39,080 --> 00:12:43,340 Haddaan go'aansado inuu arday qaato shahaadad E. 135 00:12:43,340 --> 00:12:48,360 waa in aan ogahay in ardaygaas buuxiyey heerkii aqooneed. 136 00:12:48,360 --> 00:12:54,280 Uuna karo shaqooyinka fudud iyo doodaha ilaa heerka loogu talo galay. 137 00:12:54,280 --> 00:12:57,920 Haddii wax ka dhimanyihiin heerkan. 138 00:12:57,920 --> 00:13:00,700 Isagoo ardaygu keenay wax badan oo kamid ah laakiin uu san gaarin meeshii la rabay. 139 00:13:00,720 --> 00:13:03,360 Wuxuu helayaa F. 140 00:13:04,200 --> 00:13:08,360 Haddii saas si la mid ah aan rabo in aan diyaariyo Shahaadada A. 141 00:13:08,360 --> 00:13:13,840 Waa in aan ogahay oo arkaa in ardaygaasi leeyahay aqoon baaxad wayn. 142 00:13:13,840 --> 00:13:19,000 Uuna leeyahay hormar wayn iyo kaqaybqaadasho buuxda doodaha. 143 00:13:19,600 --> 00:13:23,800 Laakiin maha in ardaygu muujin karo markasta. 144 00:13:24,400 --> 00:13:29,660 Waa inuu ku celceliyaa waxyaabaha la rabo iskuulka uuna sameeyo mararka qaarkood doodo fudud. 145 00:13:29,660 --> 00:13:34,320 uuna ugu danbayn qaadanyo shahaadada A. 146 00:13:34,320 --> 00:13:39,080 waxa muhiimka ah waa aqoonta guud ee aan u leehay ardaygaas iyo aqoontiisa maanta la joogo. 147 00:13:39,120 --> 00:13:43,880 Waana sidaas sida aan u diyaarino shahaadada iskuulka. 148 00:13:44,680 --> 00:13:49,840 Dhamaan shahaadooyinka ilaa mida dhamaynta ee sagaalaadka waxaa la dhahaa shahaadada dhamaadka. 149 00:13:49,840 --> 00:13:56,280 Waxay macnaheedu tahay in aan markasta isticmaalno xilli dugsiyeed kasta F ilaa A. 150 00:13:56,280 --> 00:14:03,000 Dabcan waxaa waa dhici kartaa in ardaygu qaato shahaadada A xilliga dayrta ee fasalka lixaadka, todobaadka ama sideedaadka. 151 00:14:03,640 --> 00:14:07,160 Laakiin cidna ma balan qaadi karto in A uu ku baasayo xilliga dayrta (höst). 152 00:14:09,560 --> 00:14:12,400 Xasuusnoow in ay tahay dayrtu ahayd fasalka lixaad. 153 00:14:12,400 --> 00:14:19,320 Waxaan kawada shaqaynay waa qaybaha aan calaamadinay, waana qaybahaas waxa aan shahaadada ku salaynayno. 154 00:14:19,320 --> 00:14:23,840 Kasoo qaad in ardaygu ka helay darajada-A. 155 00:14:25,400 --> 00:14:29,560 Muxuu ardaygu shahaado ahaan u helayaa, dabcan waa A. 156 00:14:29,560 --> 00:14:34,320 kadib waxaa imaanaya xilliga guga, waa inaan ka shaqaynaa qaybaha kale ee dhiman. 157 00:14:34,320 --> 00:14:37,800 Waxaan u shaqaynaynaa habab kala duwan, ardayguna waa in uu isku tijaabiyaa. 158 00:14:37,800 --> 00:14:42,640 Iyada oo jirto sababo kala duwan ardaygu wuxuu muujiyey qaybahaan shahaadada darajada-E. 159 00:14:44,880 --> 00:14:51,960 Haddaba muxuu noqonayaa shahaadada guga fasalka lixaadka? qayb A iyo qayb E. 160 00:14:54,320 --> 00:15:03,400 Hadduu qayb ka keeno E ma dhaafayo C, ee wuxuu qaadanaya shahaadada D. 161 00:15:05,160 --> 00:15:11,160 Muxuu yahay iskuulkan kasoo celiyey ilmahayga shahaadada A ilaa D uu keenay. 162 00:15:12,560 --> 00:15:19,360 Ardaygu saan buu dhahayaa " maxay ku dhacday in aan halkan hoose imaado" 163 00:15:19,360 --> 00:15:24,320 Laakiin ujeedku waa sidan- qofku wuxuu A ku heli karaa inuu buuxiyo dhamaan shuruudaha laga rabo A. 164 00:15:26,520 --> 00:15:31,620 Way na saamaynaysaa anaga macalimiinta ah runtii. waa in aan qorshaynaa si ardaygu u gaaro. 165 00:15:31,620 --> 00:15:35,100 Heer aqooneedka marar kala duwan iyo habab kala duwan. 166 00:15:35,100 --> 00:15:40,040 Inta lagu jiro mudada uu dhiganayo fasalada afaraadka iyo lixaadka. iyo todobaadka ilaa sagaalaadka. 167 00:15:40,040 --> 00:15:42,880 Si looga badbaado oo looga hortago caqabadahaaan. 168 00:15:44,840 --> 00:15:52,480 Laakiin nidaamka la raaco ayaa sababaya inuu qof kasoo laabto A ilaa D maxaa yeelay waxaan samaynaa qiimayn xilli dugsiyeedka kala duwan.. 169 00:15:55,840 --> 00:16:01,560 Waxaan rajaynaynaa inaad hesheen macluumaad badan oo ku saabsan sida manhajka waxbarashada u dhisanyahay. 170 00:16:01,560 --> 00:16:07,520 Iyo sida qaabkan cusub ee shahaado bixinta u shaqayso iyo sida ay u saameyso waxbaristayada. 171 00:16:08,280 --> 00:16:16,720 Wadajir ayaan ardayda, ubadkiina, ku gaarsiin karnaa meel sare oo wanaagsan.