Luuqadayada iskuulka ma aha mid fudud in la fahmo.
Waxaa laga yaabaa in aad u timaado kulanka hormarinta ardayga, oo aad maqasho anagoo ku dhahayna, innankaagu ama innantaadu si sax ah bay wax u akhrin karaan,
si hormarsan ayey uga qaybqaataan doodaha iyo munaaqashada, waxaana ku qiimaynaa anagoo raacayna shuruudaha heer aqooneedka noo degan.
Anaga iskuulka ah waxa na saaran waajibka ah in aan idiin qeexno sida aan u shaqayno.
Adiguna waxaad ku leedahay door muhiim ah iskuul dhigashada ilmahaaga.
Sidaas darteed waxaan rabnaa inaad fahanto sida aan u shaqayno, shahaadada iyo qiimaynta.
waa xaqiiq oo cidna kama qarsoona inay jireen waxyaabo madmadow ku jiro oo ku saabsan dhanka iskuulka.
waxaa la qoraa mararka qaarkood in ardadayadu aysan isku aqoon ahayn ardayda wadamada kale.
Xalka mid ka mid waxay noqotay in la sameeyo manhaj waxbarasho oo cusub.
Kaa oo u cad macalimiinta oo na gaarsiin kara natiijo wanaagsan.
Sanadkii 2011 waxaa nasoo gaaray manhaj cusub iyo qaab cusub oo shahadada.
Waxaa ku qoran waxa ay tahay in aan ka shaqayno, sida aan u shaqaynayno, waxa aan qiimaynta ku samaynayno.
Waxaa sidoo kale helnay liis ka kooban maada kasta oo aan ka shaqaynayno.
Waxaa sidoo kale ku qoran, karaanka aqooneed ee laga rabo ubadkiina.
Waxaan leenahay shuruud aqooneed, kaas oo laga yaabo in aad u taqaanan shuruudaha shahaadada.
Taas oo ay ku qorantahay waxa ay tahay in aan qiimayno.
Imtixaanka Heer aqooneedka waxaa laga qaadaaa fasalada kala ah sadexaadka, lixaadka, iyo sagaalaadka.
Maanta waxaan leenahay, hadaf iyo hab shahaado oo aqoon ku salaysan.
Laakiin sidaan filayo waxaad idinka waalidiinta ah u taqaanan habka u qalanta am u dhiganta ardayga.
Qaabka darajo qaybinta caadiga, ma xasuusataan? darajada shanaad way dhamaan jirtay, boqolkiiba todoba ayey lahaayeen shanaadyadu.
Marka qofna saaxiibkiis inuu caawiyo ma rabo, isagoo ka baqayo inuu ka fiicnaado ama ka hormaro.
Ama aanan u galin darajada shanaadka.
Maxaa yeelay isku meel baan maraynaa.
Maya maanta waxaan leenahay bartilmaameed (hadaf) iyo hab shahaado oo aqoón ku dhisan.
Macnuhu waa in aan buuxino shuruudaha laga rabo si hadafka loo gaaro, anaga macalimiinta ah ayaana ka shaqayna.
Dhammaan carruurta, iyaga oo aan loo fiirin saaxiibadood ayaa gaari karaan ujeedkaan.
Waana waajib na saaran in ardaydu gaaraan meel fiican oo sare.
Kadibna waxaan qiimaynaa, awooda ay ku gaareen hadafkaan.
Maanta waxaan leenahay qaab cusub oo shahaadada loo bixiyo, ma aha hab cusub ee waa qaab ama jaranjaro cusub.
Anaga macalimiinta ah ayaa codsanay qaabkan, waxaan rabnay heerar darajooyin oo badan.
Awal waxaan lahayn baasitaan (G) baasid sare (VG) baasid aad u xoogan (MVG) waxaan isla qaadanay in aysan qaabkan ku filnayn.
Kadibna waxaan bilownay in aan ku qasno baas sare oo dheeraad ah (VG++) baasitaan hooseeya (G-). si loo muujiyo meesha ardaygu aqoontiisu ku sugantahay.
Laakiin hadda waxaan helnay qaab cusub oo waliba xarfo badan leh.
laga soo bilaabo F ilaa A, Shahaadada baasitaanka waxaa ugu hooseysa E waxaana ugu sareeysa A.
F waxaa laga wadaa ma baasin ee waa dhacay. saas baan ka wadnaa haddan anaga macalimiinta ah F shahaada ah siino arday..
Marka waxaa loo baahanyahay sidii aan u caawin lahayn ardaygaan.
Si loo gaarsiiyo darajo uu ku baasi karo.
Haddii adiga waalidka ah aad haysato ilmo looga baqayo inuu dhaco ama uusan baasi karin.
Waa i iskuulku kaaga waramo kadibna uga wada hadashaan oo la qorsheeyo sidii loo caawin lahaa.
Si loo gaarsiiyo ardayga meel fiican oo ku guulaysan karo.
Qayb idinka mid ah waalidiinta ayaa iskudaya in ay ku fasiraan qaabkaan cusub ee xarfaha ah E ilaa A qaabkii hore 1 ilaa 5.
Taas oo aad ka dhigaysaan E in ay u dhiganto koow (1). laakiin sax ma aha.
Maya waa qaab kale sida loo bixiyo maanta shahaadada. Shaqo badan ayey u baahantahay in la helo shahaadada darajada E.
Laakiin haddii si sax ah loo turjumo E waxay u dhigantaa sadexaad qaabkii hore.
Saan bay tahay heer aqooneedka marka aan gelinayno manhajka waxbarashada.
Tani waa heer aqooneedka maadada juquraafiga ee fasalka lixaad.
Heer aqooneedka shahaadooyinka kala duwan waxay ka kacaan isku qoraal, waxa isbadalaya waa.
Tusaale ahaan waa hormarka, kasoo bilowda aasaaska ilaa heerka sare ee aqoonta.
Iyo sidoo kale ka qaybqaadasho fudud oo u kordhaysa mid meel sare ah.
Dhismahaan aqooneed waa isku mid xitaa fasalka sagaalaad.
Haddan hoos u fiirino tusaalaha E, waxay dhahaysaa, in ardaygi leeyahay aqoonta aasaaiga ah ee wadashaqaynta ee u dhaxaysa,
Dadka iyo degaanka, dabiiciga, uuna muujiyo ilaa xad ka qayb qaadasho dooda fudfudud.
Sababta iyo natiijada iyo badashada bulshada, isusocodkooda, cimilada, dhirta, iyo wixii la mid ah.
Haddaan fiirino C: Ardaygu waa inuu aqoon fiican u leeyahay, wadashaqaynta ka dhaxaysa, dadka iyo deegaanka, iyo dhirta,
Uuna muujin karaa inuu leeyahay aqoon sare oo uu kaga qayb qaadan karo.
Doodaha ku saabsan sababaha iyo cawaaqibka
A: waa in uu ardaygu aqoon aad u durugsan u leeyahay.
Wadashaqaynta, u dhaxeeysa, dadka, deegaanka, iyo dhirta.
Uuna muujin karaa inuu u leeyahay aqoon durugsan oo baaxad leh oo waliba cilmiyeysan.
Haddaan ku laabano mar kale E: ardaygu wuxuu leeyahay aqoonta gundhiga ah ama aasaasiga ah...
Maxaa laga wadaa haddaba? haa furuhu waxaa weeye, muujinta aqoonta uu leeyahay fullinta shaqooyinka fudud.
oo ilaa heer cayiman uu ka qaybqaadan karo doodaha iyo munaaqishooyinka.
Anaga macalimiinta ah waa inuu ardaygu noo muujiyaa firfircoonidiisa.
Si ugu qiimayno tayadiisa iyo shaqada uu samaynayo.
Kabacdina aan go'aamin karno darajada ay tahay shahaadada uu heli karo ardaygu.
laakiin waa sidee darajooyinka badan.
laakiinse tani waa qoraalka loogu tala galay E, C, A
Haa, sidoo kale ujeedku waxaa weeye in laga fikiro , shahaadooyinka u dhaxeeya ,
Si loo helo D: waa in la buuxiyaa dhamaan waxa laga rabo E.
iyo qaybta hore ee C.
Markaas wuxuu helayaa D.
Haddii ardaygu buuxiyo shuruudaha laga rabo, E, C, iyo waliba qaybta hore ee A, markaas wuxuu helayaa shahaadada B.
Heerarkaan aqooneed kaliya kuma xirna sida aan u qiimayno qaoonta ardayda.
Ee xitaa waxaa kaloo ku xiran waxbaristeena.
Haddii ardaygu awoodo, doodaha, sababaha, iyo natiijooyinka.
Waa in waxbaristayaduna ka hadashaa arrintaas.
Waa in aan ka hadalnaa sababaha kala duwan iyo cawaaqibka kala duwan.
Si ardayga fahamkiisa ku saabsan casharkaas u hormaro.
Waana saas sida ay u dhisantahay, heer aqooneedkayagu.
Tani waa shuruud aqooneedka juquraafiga, fasalka lixaad, oo tusaalaha usoo qaadanay.
Sidoo kalena waxaan u leenahay heer aqooneed laga rabo fasalka sagaalaad.
Laakiin sidee u shaqaysaa? Ma u lihin miyaa wax shuruud ah ama heer aqooneed oo laga rabo fasalada afaraadka, shanaadka,, todobaadka, iyo sideedaadka.?
Maya uma lihin. laakiin waxaa laga rabaa oo loo isticmaalayaa kan lixaadka laga rabay, fasalada afaraadka iyo shanaadka.
Waxaan sidoo kale u isticmaalaynaa kii sagaalaadka ku xirnaa, fasalada todobaadka iyo sideedaadka.
Laakiin waxaa jiraya horukac iyo sareyn laga rabo xaga wax qorista.
Waxaan ka wadnaa markaan qiimaynayno, shaqo fudud oo fasalka afaraadka ah,
way ka duwan tahay sidoo kale shaqo fudud oo lixaadka ah.
Way ka yara fududahay.
Waxaa kaliya laga filyaa inuu ka qaybqato intii waxbarashadii
uu soo qaatay, ardayga oo jira toban sano ama afar iyo toban sano.
laakiin maxay tahay shaaqada (dooda) fudud ama mida hormarsan.? sidee loo kala saaraa?
Anaga macalimiinta ah ayaa u hayna talobixin ku saabsan arrintaan. waxaa la dhihi karaa
Dooda fudud waxaa loola jeedaa inuu ardaygu yaqaan isku xirka iyo isu badalka cashiradiisi u qornaa.
iyo munaaqishooyinka kooban.
A ilaa iyo B.
Ka qaybqaadashada baaxada leh.
waxaa weeye isku xir wayn iyo ka qaybqaadasho doodaha dhaadheer.
A ilaa B, taas oo hoos u socon karta ilaa C haddana kusoo laabato A.
Anaga macalimiinta ah waan naqaan hadday tahay ka qaybqaadashad mid sahlan iyo mid culus.
Muhiimadu ma aha inta uu ardaygu keeni karo ee waa inta uu wax ka qabto oo uu ka shaqeeyo waxyaabaha laga rabo.
Sidaas darteed waa sida fiican ee u uga shaqeeyo tusmada casharada.
Mid jilicsan ama mid adag.
Waxaan ka shaqaynaa in aan hormarino aqoonta carruurtiina hadday tahay fahamka iyo lasocodka xisaabta.
Soo gudbinta hadalka iyo qoraalka iswidhishka, iyo sidii aan uga caawin lahayn heer aqooneed.
Saan isticmaalno marka aan qiimaynayno waa ilaa heerkee ayey carruurtiinu isbadaleen.
Waxaan leenahay casharo muhiim ah kuwaas oo gundhig u ah waxbaristayada.
Maxaa yeelay waxaan aaminsanahay, ardaygii ka qaybgala doodaha, munaaqishada,
ka hadla oo baaritaan ku sameeya, wuxuu u baahanyahay, ugu danbayn,
Oo wuxuu noqonayaa arday fahamsan wixi . halkii uu kaliya soo xafidi lahaa oo mar uu soo saari lahaa.
Barashada aan aaminsanahay in ay ku hagayso natiijo wanaagsan iskuulka.
Waa sidee ku caawin kartaan haddaad tihiin waalidiinta?
Fadlan ka shaqeeya su'aalaha ah sidee iyo sababtee marka guriga la joogo.
Kala hadla carruurtiina, maxay ku dhacday, sidee ku noqotaa iniinta yari (siidhku) geed wayn?
Markaad saas samaysaan waxaad sare u qaadaysaan ka qaybqaadashada iyo horumarka ardayga ee iskuulka.
Sidaan ay iniintu ku noqoto geedka uma baahna in qofku uu dusha ka barto habka ay dhirtu qoraxda nafaqada uga qaadato.
Ee waxay u baahantahay in la fahmo habka oo dhan biloow ilaa dhamaad.
Xaga erayada, waxaan filayaa inay waalidiintu garanayaan oo fahamsanyihiin in looga dhagaysto guriga.
Laakiin ma qiimayno inta eray ee uu aradygu soo tuuro.
Ee sida uu u dhisayo erayga, sida uu jumlada u galinayo, sida u xiriirka ugu samaynayo.
Maxaa yeelay waa waxa muhiimka ka ah maanta iskuulka.
Waxaa hubaal ah in aan haysano qorshe koorseed wanaagsan.
Waalidiin badan ayaa isweydiiya maxaa ku iman kara cunugayga oo yara qajila.
Mar kasta oo la hadlayo ama la sheekaysanayo.
Waxaa muhiim ah in la ogaado in ay jiraan habab badan oo loo xalin karo arrintaan.
Wuu soo diyaarin karaa oo qaab qoraal ah kusoo gudbin karaa. Macalin aan la kulmay ayaa ii sheegay in uu doortay inuu la sheekaysto ardadiisa.
Si uu ogaado una qiimeeyo sida uu uga qayb qaadan karo doodaha iyo wada xaajoodka.
Waxaa jiray ahl arday oo uu dareemay inuu aad u xishood badanyahay.
Markuu la sheekaystay ardaygiina uu arkay inuu si fiican wax u yaqaan.
Waana wax gabi ahaanba dabiici ah in ay saa noqoto xiriirka ilmo toban iyo laba jir ah.
Haddaba sideen u diyaarinaynaa anaga macalimiinta ah?
Mida muhiimka ah waa in qiimayn guud lagu sameeyo aqoonta ardayga ee maalintaas la joogo markaan shahaadad diyaarinayo.
Waxaana u samaynayaa anoo raacaya heer aqooneedka laga rabay.
Haddaba maxay tahay taasi macnaheeda?
Haddaan go'aansado inuu arday qaato shahaadad E.
waa in aan ogahay in ardaygaas buuxiyey heerkii aqooneed.
Uuna karo shaqooyinka fudud iyo doodaha ilaa heerka loogu talo galay.
Haddii wax ka dhimanyihiin heerkan.
Isagoo ardaygu keenay wax badan oo kamid ah laakiin uu san gaarin meeshii la rabay.
Wuxuu helayaa F.
Haddii saas si la mid ah aan rabo in aan diyaariyo Shahaadada A.
Waa in aan ogahay oo arkaa in ardaygaasi leeyahay aqoon baaxad wayn.
Uuna leeyahay hormar wayn iyo kaqaybqaadasho buuxda doodaha.
Laakiin maha in ardaygu muujin karo markasta.
Waa inuu ku celceliyaa waxyaabaha la rabo iskuulka uuna sameeyo mararka qaarkood doodo fudud.
uuna ugu danbayn qaadanyo shahaadada A.
waxa muhiimka ah waa aqoonta guud ee aan u leehay ardaygaas iyo aqoontiisa maanta la joogo.
Waana sidaas sida aan u diyaarino shahaadada iskuulka.
Dhamaan shahaadooyinka ilaa mida dhamaynta ee sagaalaadka waxaa la dhahaa shahaadada dhamaadka.
Waxay macnaheedu tahay in aan markasta isticmaalno xilli dugsiyeed kasta F ilaa A.
Dabcan waxaa waa dhici kartaa in ardaygu qaato shahaadada A xilliga dayrta ee fasalka lixaadka, todobaadka ama sideedaadka.
Laakiin cidna ma balan qaadi karto in A uu ku baasayo xilliga dayrta (höst).
Xasuusnoow in ay tahay dayrtu ahayd fasalka lixaad.
Waxaan kawada shaqaynay waa qaybaha aan calaamadinay, waana qaybahaas waxa aan shahaadada ku salaynayno.
Kasoo qaad in ardaygu ka helay darajada-A.
Muxuu ardaygu shahaado ahaan u helayaa, dabcan waa A.
kadib waxaa imaanaya xilliga guga, waa inaan ka shaqaynaa qaybaha kale ee dhiman.
Waxaan u shaqaynaynaa habab kala duwan, ardayguna waa in uu isku tijaabiyaa.
Iyada oo jirto sababo kala duwan ardaygu wuxuu muujiyey qaybahaan shahaadada darajada-E.
Haddaba muxuu noqonayaa shahaadada guga fasalka lixaadka? qayb A iyo qayb E.
Hadduu qayb ka keeno E ma dhaafayo C, ee wuxuu qaadanaya shahaadada D.
Muxuu yahay iskuulkan kasoo celiyey ilmahayga shahaadada A ilaa D uu keenay.
Ardaygu saan buu dhahayaa " maxay ku dhacday in aan halkan hoose imaado"
Laakiin ujeedku waa sidan- qofku wuxuu A ku heli karaa inuu buuxiyo dhamaan shuruudaha laga rabo A.
Way na saamaynaysaa anaga macalimiinta ah runtii. waa in aan qorshaynaa si ardaygu u gaaro.
Heer aqooneedka marar kala duwan iyo habab kala duwan.
Inta lagu jiro mudada uu dhiganayo fasalada afaraadka iyo lixaadka. iyo todobaadka ilaa sagaalaadka.
Si looga badbaado oo looga hortago caqabadahaaan.
Laakiin nidaamka la raaco ayaa sababaya inuu qof kasoo laabto A ilaa D maxaa yeelay waxaan samaynaa qiimayn xilli dugsiyeedka kala duwan..
Waxaan rajaynaynaa inaad hesheen macluumaad badan oo ku saabsan sida manhajka waxbarashada u dhisanyahay.
Iyo sida qaabkan cusub ee shahaado bixinta u shaqayso iyo sida ay u saameyso waxbaristayada.
Wadajir ayaan ardayda, ubadkiina, ku gaarsiin karnaa meel sare oo wanaagsan.