Laga yaabee inaad maqasheen
aragtida Quraanka ee Janada
inay ku jiraan 72 xuuraylcayn ahi,
Waana idiin balanqaadayaa inaan xuuralcaynta kusoo noqon doono.
Laakiin, xaqiiqdii halkan waqooyigalbeed
Waxanu ku noolahay wax u dhow
aragtida Quraanka ee Janada,
lagu sheegay 36 jeer
inay yihiin 'beero ay qulqulayaan durduro.''
Maadaamoo aan ku noolahay guri dooni ah oo ku yaal durdurka Harada Union,
Tani dareen qiima leh bay ii samaysay.
Laakiin arintu waa, siday u arkaan dadku arintan warkeeda?
Waxan og ahay gaalo niyad wanaagsan
kuwaasoo bilaabay akhrinta Quraanka, balse iska daayay,
markii ay ku wareereen qariibnimadiisa.
Taariikhyahankii Thomas Caryle
wuxu u gartay Muxamed mid kamid ah geesiyaashii ugu waynaa aduunka,
laakiin Quraanka wuxu ugu yeedhay
'' akhriskii ugu kakanaa ee aan dhexgalo
kii ugu daalka iyo wareerka badnaa.''
(Qosol)
Qayb kamida dhibaatadu, waxan filayaa,
inay tahay inaan u haysano in Quraanka loo akhriyi karo
sida aynu caadiyan u akhrino buug-
oo aynu intaynu gees ula baxno galab roobaad
inagoo salool dubana ina horyaalo,
sidii oo Ilaahay--
Quraankuna gebi ahaanba waa hadalkii Ilaahay kula hadlayey Muxamad--
uu yahay mid kamida qoraayada liiska ugu wacan ku jira
Welise xaqiiqadu waxay tahay in dad yari
ay dhabtii akhriyaan Quraanka
way cadahahay sababta ay aadka ugu fududahay in la soo xigto--
taas waxay tahay, in si khalkdan loo xigto.
Jumlado iyo weedho dulucdoodii laga saaray
oo ah waxan ugu yeedho ''qeybta naqshada la mariyay'
Kaasoo ah kay jecelyihiin Muslimiinta xagjirka ah
iyo kuwa islaamka neceb labbaduba.
Hadaba gu'gii ina dhaafay,
anigoo u tafaxaydanaya
inaan bilaabo qoraal aan ka qoro taariikhdii Muxamed
Waxan garawsaday inaan u baahan ahay inaan Quraanka akhriyo si tafatiran--
sida ugu haboon ee aan awooda, waa taas.
Afkayga carbeed wuxu ku xidhnaa
Qaamuus aan isticmaalo uun,
markaa waxan soo qaatay afar tafsiir oo caan ah
waxan go'aansaday inaan isla akhriyo dacal ilaa dacal,
ayaad-aayad
iyadoo alfabeet cod ahna lagu daray
iyo carabidii asalka ahayd ee qarnigii 7aad.
Halkaa faa'iidaan hore uga haystay.
Buugaygii u danbeeyay
wuxu ku saabsanaa taariikhda ka danbaysa kala jabka Suniga iyo Shiicada
Markaas waxan si dhow ugu kuur galay taariikhdii hore ee Islaamka,
Markaas waxaan ogaa dhacdooyinka
uu Quraanku sida joogtada u tilmaamayo,
Qaabkiisa ujeedka.
Waxan si buuxda u ogaa
inaan ahaa dalxiise Quraanka dhex yimi--
mid war haya
weliba mid khibrad u leh ah,
laakiin weli ah soo-galooti,
Alla-kood Yahuudi ah.
oo akhriyaya kitaabka dhowrsan ee cid kale.
(Qosol)
Marka si degan baan u akhriyay.
(Qosol)
Sadex todobaad baan u qorsheeyay mashruucas
waxana filaya taasi waa waxa 'isla baxsanaanta' micneheedu yahay--
(Qosol)
waayo waxay igu qaadatay sadex bilood.
Waxan isku celinayay dareenka ah inaan u boodo
meelaha danbe ee jusaska xaqiiqada dahsoon ku yaaliin.
Laakiin markastoo aan is iraahdo
hadaad Quraanka majaraha u qabatay--
dareenkaas ah 'hadaan helay''--
waxay igaga sii badataa isla habeenkaas,
Aroortiina waxan kusoo noqdaa
anoo dhex wareegalaysanaya dhul aan ku dhex lumay,
laakiin weli dhulku wuxu iila eekaa midaan si fiican u garanayo.
Quraanku wuxu sheegayaa inuu u yimid
inuu dib u cusboonaysiiyo fariintii Tawraad iyo Injiil.
Sidaa awaadood 3 meelood meel
waxay ddib u sheegaysaa ashqaastii Injiil ku jirtay
sida Ibraahim, Muuse,
Yuusuf, Maryama, Ciise
Ilaahay oo qudhiisu aad loogu bartay
bayaankiisii hore ee Yahweh--
wuxu si adag u sheegayaa inaan Ilaahyo kale jirin.
Joogitaanka geela, buuraha,
lama-deeganaada iyo durdurada
ayaa waxay dib iigu celiyeen sanadihii aan ku qaatay
dhex wareega Saxaraha Siinaay.
Waxan jirtay luqada
luuqda ku jirtaa,
ay i xasuusinaysay habeeno aan ku qaatay dhegaysiga odayaal Badawiyiin ah
oo tirinaya gabayo saacado qaadanaya
gabigoodna korka ka shubaya.
Waxan bilaabay inaan fahmo
sababta loo yiri:
Quraanku wuxu Quraan ku yahay
keliya Af-Carabi.
Soo qaado suurada Faatixa
Suurada 7da aayadood ee bilowga ahi
waa sidan: ''Ducada Eebe'' ee Kiristanka iyo ta Yuhuuda ee ''Shema Yisrael'' oo laysku daray.
Waa 29 kalmood af carabi ahaan,
laakiin waxay tagtaa 65 ilaa 72 marka la tafsiiro.
markastoo aad wax ku dartidna
waa markastoo micnihii sii lumo.
Carabidu waxay leedahay meerin,
taaso soo jiidasho sixira leh, tayoo
u baahan in la dhagaysto iyadoon la akhrin,
la dareemo iyadoon la faaqidin.
Waxay u baahantay in kor loogu heeso,
si looga dhawaajiyo muusigeeda dhagaha iyo carabka.
Markaa Quraanka Ingiliishka ahi
wuxu u eeghay hadh wax daboolaya,
ama sida uu Arthur Arberry uu ugu yeedhay
'' sharaxaad''
Laakiin dhamaanteed ku lunto fasiraada.
Sida Quraanka lagu balanqaaday, sabirka waa la abaal marinayaa,
waxana jiri doona wax yaabo lala kulmi doono oo cajiib ah--
wacyigelin deegaanka ah ayaa ku jirta ah, tusaale ahaan,
Biniaadamku waa khaliifka abuurta Ilaahay ee dhulka,
Injiil laguma sheegin.
Halka Injiil si gaara loogula hadlayo raga
iyadoo la isticmaalayo jinsiga rageed labbaad iyo sadexaad,
Quranku wuxu ku soo darayaa dumarka--
wuxu ka hadlaya tuusaale ahaan;
raga mu'miniita ah iyo dumarka mu'miinta ah,
raga sharafta badan iyo dumarka sharafta badan.
Ama soo qaado aayada aan caanka ahayn
ee ka sheekaynaysa gaalada oo la dilo.
Haa, saasay leedahay,
laakiin duluc gaar ah weeye.
Furashadii la filayay
ee magaalada barakaysan ee Maka
taaaso dagaalku xaaraam ka yahay,
Ogolaanshuna wuxu la imanayaa shuruudo
Keliya ma aha ''Waa inaad dishaan gaalada Maka.''
Waad awoodaan, waa laydiin ogolyahay,
laakiin keliya waa marka waqtiga xurmada lihi dhamaado
waana keliya marka aan heshiis hore u jirin
waana keliya marka ay idinka joojiyaan galida Kacbada,
waana keliya haday marka hore idin soo weeraraan.
Intaasoo dhan kadibna-- Ilaahay waa naxariiste;
Cafiska ugu sareeya--
Asal ahaantiina
waxa kasii wanaagsan inaanaydin samayn.
(Qosol)
Tanina macquul inay tahay cajiibnimadii ugu waynayd--
ee ina tusta sida Quraanku u furfuranyahay,
ugu yaraan maskaxaha aan
asalkoodu ahayn kuwa xidhxidhan.
''Aayadaha qaarkood macnohoodu waa biya-kama-dhibcaan''
''qaarkoodna waxay leeyihiin micne mutaashih ah''
Qalbiyada aan wanaaagsanayni
kuwa macnohoodu mutashaabiha yahay ayay wax ka baadhaan,
iyagoo is-diido abuuraya
markay ku ladhaan macne ay u samaysteen iyagu.
Ilaahay keliyaa og micnaha dhabta ah.
Jumalada ''Ilaahay waa ladiif''
ayaa soo noqnoqota in badan,
taasina xaqiiqdii waxay ina tusay in Quraanku la ladiifsanyay
sida in badan oo inaga midi u rumaysay.
Tusaale ahaa,
arintii ku saabsanayd
bikranimada iyo jannada,
Oryantaaliiskii qadiimka ahaa ayaa arinka soo galaya markan.
Kelmeda afarta jeer lagu sheegay Quraanka
waa Xuur.
kelmeda waxa loo tarjuntay
jaariyado indha madmadow oo naasa buurbuuran,
ama curubooyin bikra ah.
Laakiin waxa carabida asalka ah ku jira
waxa weeye mid kaliya oo ah ''Xuur''.
Ma aha mid naasa buurbuuran mana aha mid curubo ah.
(Qosol)
Tan waxa la dhihi karaa
''Abuur saafi ah' sida malaaigta oo kale,
ama sida Giriiga Kuuros ama Kooree,
oo ah dhalinyarimo abadi ah.
Laakiin runtu waxay tahay qofna ma oga,
taasina waa ujeedada.
Sababtoo Quraanku waa cadeeyay
markuu leeyahay waxaad noqon doontaan
''abuur cusub janada dhexdeeda''
taasina waxa weeye' waxa laguu abuuri donaa
qaab aanad garanayn adigu''
Kaasoo kaba sii qurux badnaa kara
xuuralcaynta aynu aamisannahay.
(Qosol)
Tiradaa 72 marna lama sheegin .
Laguma sheegin 72 bikro ah/xuuralcayn ah
Quraanka.
Aragtidaasi waxay aburantay 300 oo sano kadib
Culumada Islaamka waxay ku masaaleeen
sidii dad baalal leh oo daruuraha ku fadhiya
walax dhawaaq macaanna tumanaya.
Janadu waa kasoo horjeedka taas.
bikronnimo maaha;
waa irmaan.
waa badhaadhe.
Waa beero lagu waraabiyay
durduro qulqulaya.
Mahadsanidiin.
(Sacab)