1 00:00:00,000 --> 00:00:02,000 Laga yaabee inaad maqasheen 2 00:00:02,000 --> 00:00:04,000 aragtida Quraanka ee Janada 3 00:00:04,000 --> 00:00:06,000 inay ku jiraan 72 xuuraylcayn ahi, 4 00:00:06,000 --> 00:00:09,000 Waana idiin balanqaadayaa inaan xuuralcaynta kusoo noqon doono. 5 00:00:09,000 --> 00:00:11,000 Laakiin, xaqiiqdii halkan waqooyigalbeed 6 00:00:11,000 --> 00:00:13,000 Waxanu ku noolahay wax u dhow 7 00:00:13,000 --> 00:00:15,000 aragtida Quraanka ee Janada, 8 00:00:15,000 --> 00:00:17,000 lagu sheegay 36 jeer 9 00:00:17,000 --> 00:00:21,000 inay yihiin 'beero ay qulqulayaan durduro.'' 10 00:00:22,000 --> 00:00:25,000 Maadaamoo aan ku noolahay guri dooni ah oo ku yaal durdurka Harada Union, 11 00:00:25,000 --> 00:00:28,000 Tani dareen qiima leh bay ii samaysay. 12 00:00:28,000 --> 00:00:31,000 Laakiin arintu waa, siday u arkaan dadku arintan warkeeda? 13 00:00:32,000 --> 00:00:35,000 Waxan og ahay gaalo niyad wanaagsan 14 00:00:35,000 --> 00:00:37,000 kuwaasoo bilaabay akhrinta Quraanka, balse iska daayay, 15 00:00:37,000 --> 00:00:40,000 markii ay ku wareereen qariibnimadiisa. 16 00:00:40,000 --> 00:00:42,000 Taariikhyahankii Thomas Caryle 17 00:00:42,000 --> 00:00:45,000 wuxu u gartay Muxamed mid kamid ah geesiyaashii ugu waynaa aduunka, 18 00:00:45,000 --> 00:00:47,000 laakiin Quraanka wuxu ugu yeedhay 19 00:00:47,000 --> 00:00:50,000 '' akhriskii ugu kakanaa ee aan dhexgalo 20 00:00:50,000 --> 00:00:53,000 kii ugu daalka iyo wareerka badnaa.'' 21 00:00:53,000 --> 00:00:55,000 (Qosol) 22 00:00:55,000 --> 00:00:57,000 Qayb kamida dhibaatadu, waxan filayaa, 23 00:00:57,000 --> 00:01:00,000 inay tahay inaan u haysano in Quraanka loo akhriyi karo 24 00:01:00,000 --> 00:01:02,000 sida aynu caadiyan u akhrino buug- 25 00:01:02,000 --> 00:01:05,000 oo aynu intaynu gees ula baxno galab roobaad 26 00:01:05,000 --> 00:01:07,000 inagoo salool dubana ina horyaalo, 27 00:01:07,000 --> 00:01:09,000 sidii oo Ilaahay-- 28 00:01:09,000 --> 00:01:12,000 Quraankuna gebi ahaanba waa hadalkii Ilaahay kula hadlayey Muxamad-- 29 00:01:12,000 --> 00:01:15,000 uu yahay mid kamida qoraayada liiska ugu wacan ku jira 30 00:01:17,000 --> 00:01:19,000 Welise xaqiiqadu waxay tahay in dad yari 31 00:01:19,000 --> 00:01:21,000 ay dhabtii akhriyaan Quraanka 32 00:01:21,000 --> 00:01:24,000 way cadahahay sababta ay aadka ugu fududahay in la soo xigto-- 33 00:01:24,000 --> 00:01:27,000 taas waxay tahay, in si khalkdan loo xigto. 34 00:01:27,000 --> 00:01:30,000 Jumlado iyo weedho dulucdoodii laga saaray 35 00:01:30,000 --> 00:01:32,000 oo ah waxan ugu yeedho ''qeybta naqshada la mariyay' 36 00:01:32,000 --> 00:01:35,000 Kaasoo ah kay jecelyihiin Muslimiinta xagjirka ah 37 00:01:35,000 --> 00:01:38,000 iyo kuwa islaamka neceb labbaduba. 38 00:01:38,000 --> 00:01:40,000 Hadaba gu'gii ina dhaafay, 39 00:01:40,000 --> 00:01:42,000 anigoo u tafaxaydanaya 40 00:01:42,000 --> 00:01:45,000 inaan bilaabo qoraal aan ka qoro taariikhdii Muxamed 41 00:01:45,000 --> 00:01:48,000 Waxan garawsaday inaan u baahan ahay inaan Quraanka akhriyo si tafatiran-- 42 00:01:48,000 --> 00:01:51,000 sida ugu haboon ee aan awooda, waa taas. 43 00:01:51,000 --> 00:01:53,000 Afkayga carbeed wuxu ku xidhnaa 44 00:01:53,000 --> 00:01:55,000 Qaamuus aan isticmaalo uun, 45 00:01:55,000 --> 00:01:57,000 markaa waxan soo qaatay afar tafsiir oo caan ah 46 00:01:57,000 --> 00:01:59,000 waxan go'aansaday inaan isla akhriyo dacal ilaa dacal, 47 00:01:59,000 --> 00:02:01,000 ayaad-aayad 48 00:02:01,000 --> 00:02:04,000 iyadoo alfabeet cod ahna lagu daray 49 00:02:04,000 --> 00:02:07,000 iyo carabidii asalka ahayd ee qarnigii 7aad. 50 00:02:08,000 --> 00:02:11,000 Halkaa faa'iidaan hore uga haystay. 51 00:02:12,000 --> 00:02:14,000 Buugaygii u danbeeyay 52 00:02:14,000 --> 00:02:17,000 wuxu ku saabsanaa taariikhda ka danbaysa kala jabka Suniga iyo Shiicada 53 00:02:17,000 --> 00:02:20,000 Markaas waxan si dhow ugu kuur galay taariikhdii hore ee Islaamka, 54 00:02:20,000 --> 00:02:22,000 Markaas waxaan ogaa dhacdooyinka 55 00:02:22,000 --> 00:02:24,000 uu Quraanku sida joogtada u tilmaamayo, 56 00:02:24,000 --> 00:02:26,000 Qaabkiisa ujeedka. 57 00:02:26,000 --> 00:02:28,000 Waxan si buuxda u ogaa 58 00:02:28,000 --> 00:02:31,000 inaan ahaa dalxiise Quraanka dhex yimi-- 59 00:02:31,000 --> 00:02:33,000 mid war haya 60 00:02:33,000 --> 00:02:35,000 weliba mid khibrad u leh ah, 61 00:02:35,000 --> 00:02:37,000 laakiin weli ah soo-galooti, 62 00:02:37,000 --> 00:02:39,000 Alla-kood Yahuudi ah. 63 00:02:39,000 --> 00:02:41,000 oo akhriyaya kitaabka dhowrsan ee cid kale. 64 00:02:41,000 --> 00:02:43,000 (Qosol) 65 00:02:43,000 --> 00:02:45,000 Marka si degan baan u akhriyay. 66 00:02:45,000 --> 00:02:49,000 (Qosol) 67 00:02:49,000 --> 00:02:52,000 Sadex todobaad baan u qorsheeyay mashruucas 68 00:02:52,000 --> 00:02:54,000 waxana filaya taasi waa waxa 'isla baxsanaanta' micneheedu yahay-- 69 00:02:54,000 --> 00:02:58,000 (Qosol) 70 00:02:58,000 --> 00:03:01,000 waayo waxay igu qaadatay sadex bilood. 71 00:03:03,000 --> 00:03:05,000 Waxan isku celinayay dareenka ah inaan u boodo 72 00:03:05,000 --> 00:03:08,000 meelaha danbe ee jusaska xaqiiqada dahsoon ku yaaliin. 73 00:03:08,000 --> 00:03:10,000 Laakiin markastoo aan is iraahdo 74 00:03:10,000 --> 00:03:12,000 hadaad Quraanka majaraha u qabatay-- 75 00:03:12,000 --> 00:03:14,000 dareenkaas ah 'hadaan helay''-- 76 00:03:14,000 --> 00:03:16,000 waxay igaga sii badataa isla habeenkaas, 77 00:03:16,000 --> 00:03:18,000 Aroortiina waxan kusoo noqdaa 78 00:03:18,000 --> 00:03:21,000 anoo dhex wareegalaysanaya dhul aan ku dhex lumay, 79 00:03:21,000 --> 00:03:24,000 laakiin weli dhulku wuxu iila eekaa midaan si fiican u garanayo. 80 00:03:25,000 --> 00:03:27,000 Quraanku wuxu sheegayaa inuu u yimid 81 00:03:27,000 --> 00:03:29,000 inuu dib u cusboonaysiiyo fariintii Tawraad iyo Injiil. 82 00:03:29,000 --> 00:03:31,000 Sidaa awaadood 3 meelood meel 83 00:03:31,000 --> 00:03:33,000 waxay ddib u sheegaysaa ashqaastii Injiil ku jirtay 84 00:03:33,000 --> 00:03:35,000 sida Ibraahim, Muuse, 85 00:03:35,000 --> 00:03:38,000 Yuusuf, Maryama, Ciise 86 00:03:38,000 --> 00:03:41,000 Ilaahay oo qudhiisu aad loogu bartay 87 00:03:41,000 --> 00:03:44,000 bayaankiisii hore ee Yahweh-- 88 00:03:44,000 --> 00:03:47,000 wuxu si adag u sheegayaa inaan Ilaahyo kale jirin. 89 00:03:48,000 --> 00:03:51,000 Joogitaanka geela, buuraha, 90 00:03:51,000 --> 00:03:53,000 lama-deeganaada iyo durdurada 91 00:03:53,000 --> 00:03:55,000 ayaa waxay dib iigu celiyeen sanadihii aan ku qaatay 92 00:03:55,000 --> 00:03:57,000 dhex wareega Saxaraha Siinaay. 93 00:03:57,000 --> 00:03:59,000 Waxan jirtay luqada 94 00:03:59,000 --> 00:04:01,000 luuqda ku jirtaa, 95 00:04:01,000 --> 00:04:04,000 ay i xasuusinaysay habeeno aan ku qaatay dhegaysiga odayaal Badawiyiin ah 96 00:04:04,000 --> 00:04:07,000 oo tirinaya gabayo saacado qaadanaya 97 00:04:07,000 --> 00:04:10,000 gabigoodna korka ka shubaya. 98 00:04:10,000 --> 00:04:12,000 Waxan bilaabay inaan fahmo 99 00:04:12,000 --> 00:04:15,000 sababta loo yiri: 100 00:04:15,000 --> 00:04:18,000 Quraanku wuxu Quraan ku yahay 101 00:04:18,000 --> 00:04:20,000 keliya Af-Carabi. 102 00:04:20,000 --> 00:04:22,000 Soo qaado suurada Faatixa 103 00:04:22,000 --> 00:04:24,000 Suurada 7da aayadood ee bilowga ahi 104 00:04:24,000 --> 00:04:28,000 waa sidan: ''Ducada Eebe'' ee Kiristanka iyo ta Yuhuuda ee ''Shema Yisrael'' oo laysku daray. 105 00:04:29,000 --> 00:04:31,000 Waa 29 kalmood af carabi ahaan, 106 00:04:31,000 --> 00:04:35,000 laakiin waxay tagtaa 65 ilaa 72 marka la tafsiiro. 107 00:04:35,000 --> 00:04:37,000 markastoo aad wax ku dartidna 108 00:04:37,000 --> 00:04:40,000 waa markastoo micnihii sii lumo. 109 00:04:40,000 --> 00:04:43,000 Carabidu waxay leedahay meerin, 110 00:04:43,000 --> 00:04:45,000 taaso soo jiidasho sixira leh, tayoo 111 00:04:45,000 --> 00:04:48,000 u baahan in la dhagaysto iyadoon la akhrin, 112 00:04:48,000 --> 00:04:51,000 la dareemo iyadoon la faaqidin. 113 00:04:51,000 --> 00:04:53,000 Waxay u baahantay in kor loogu heeso, 114 00:04:53,000 --> 00:04:56,000 si looga dhawaajiyo muusigeeda dhagaha iyo carabka. 115 00:04:56,000 --> 00:04:58,000 Markaa Quraanka Ingiliishka ahi 116 00:04:58,000 --> 00:05:01,000 wuxu u eeghay hadh wax daboolaya, 117 00:05:01,000 --> 00:05:04,000 ama sida uu Arthur Arberry uu ugu yeedhay 118 00:05:04,000 --> 00:05:06,000 '' sharaxaad'' 119 00:05:07,000 --> 00:05:10,000 Laakiin dhamaanteed ku lunto fasiraada. 120 00:05:10,000 --> 00:05:13,000 Sida Quraanka lagu balanqaaday, sabirka waa la abaal marinayaa, 121 00:05:13,000 --> 00:05:15,000 waxana jiri doona wax yaabo lala kulmi doono oo cajiib ah-- 122 00:05:15,000 --> 00:05:18,000 wacyigelin deegaanka ah ayaa ku jirta ah, tusaale ahaan, 123 00:05:18,000 --> 00:05:21,000 Biniaadamku waa khaliifka abuurta Ilaahay ee dhulka, 124 00:05:21,000 --> 00:05:24,000 Injiil laguma sheegin. 125 00:05:24,000 --> 00:05:27,000 Halka Injiil si gaara loogula hadlayo raga 126 00:05:27,000 --> 00:05:29,000 iyadoo la isticmaalayo jinsiga rageed labbaad iyo sadexaad, 127 00:05:29,000 --> 00:05:32,000 Quranku wuxu ku soo darayaa dumarka-- 128 00:05:32,000 --> 00:05:34,000 wuxu ka hadlaya tuusaale ahaan; 129 00:05:34,000 --> 00:05:36,000 raga mu'miniita ah iyo dumarka mu'miinta ah, 130 00:05:36,000 --> 00:05:39,000 raga sharafta badan iyo dumarka sharafta badan. 131 00:05:41,000 --> 00:05:43,000 Ama soo qaado aayada aan caanka ahayn 132 00:05:43,000 --> 00:05:45,000 ee ka sheekaynaysa gaalada oo la dilo. 133 00:05:45,000 --> 00:05:47,000 Haa, saasay leedahay, 134 00:05:47,000 --> 00:05:50,000 laakiin duluc gaar ah weeye. 135 00:05:50,000 --> 00:05:52,000 Furashadii la filayay 136 00:05:52,000 --> 00:05:54,000 ee magaalada barakaysan ee Maka 137 00:05:54,000 --> 00:05:57,000 taaaso dagaalku xaaraam ka yahay, 138 00:05:57,000 --> 00:06:00,000 Ogolaanshuna wuxu la imanayaa shuruudo 139 00:06:00,000 --> 00:06:03,000 Keliya ma aha ''Waa inaad dishaan gaalada Maka.'' 140 00:06:03,000 --> 00:06:06,000 Waad awoodaan, waa laydiin ogolyahay, 141 00:06:06,000 --> 00:06:09,000 laakiin keliya waa marka waqtiga xurmada lihi dhamaado 142 00:06:10,000 --> 00:06:13,000 waana keliya marka aan heshiis hore u jirin 143 00:06:13,000 --> 00:06:16,000 waana keliya marka ay idinka joojiyaan galida Kacbada, 144 00:06:16,000 --> 00:06:19,000 waana keliya haday marka hore idin soo weeraraan. 145 00:06:19,000 --> 00:06:22,000 Intaasoo dhan kadibna-- Ilaahay waa naxariiste; 146 00:06:22,000 --> 00:06:25,000 Cafiska ugu sareeya-- 147 00:06:25,000 --> 00:06:27,000 Asal ahaantiina 148 00:06:27,000 --> 00:06:29,000 waxa kasii wanaagsan inaanaydin samayn. 149 00:06:29,000 --> 00:06:32,000 (Qosol) 150 00:06:32,000 --> 00:06:35,000 Tanina macquul inay tahay cajiibnimadii ugu waynayd-- 151 00:06:35,000 --> 00:06:37,000 ee ina tusta sida Quraanku u furfuranyahay, 152 00:06:37,000 --> 00:06:39,000 ugu yaraan maskaxaha aan 153 00:06:39,000 --> 00:06:42,000 asalkoodu ahayn kuwa xidhxidhan. 154 00:06:42,000 --> 00:06:45,000 ''Aayadaha qaarkood macnohoodu waa biya-kama-dhibcaan'' 155 00:06:45,000 --> 00:06:48,000 ''qaarkoodna waxay leeyihiin micne mutaashih ah'' 156 00:06:48,000 --> 00:06:50,000 Qalbiyada aan wanaaagsanayni 157 00:06:50,000 --> 00:06:52,000 kuwa macnohoodu mutashaabiha yahay ayay wax ka baadhaan, 158 00:06:52,000 --> 00:06:54,000 iyagoo is-diido abuuraya 159 00:06:54,000 --> 00:06:57,000 markay ku ladhaan macne ay u samaysteen iyagu. 160 00:06:57,000 --> 00:07:00,000 Ilaahay keliyaa og micnaha dhabta ah. 161 00:07:01,000 --> 00:07:03,000 Jumalada ''Ilaahay waa ladiif'' 162 00:07:03,000 --> 00:07:05,000 ayaa soo noqnoqota in badan, 163 00:07:05,000 --> 00:07:07,000 taasina xaqiiqdii waxay ina tusay in Quraanku la ladiifsanyay 164 00:07:07,000 --> 00:07:09,000 sida in badan oo inaga midi u rumaysay. 165 00:07:09,000 --> 00:07:11,000 Tusaale ahaa, 166 00:07:11,000 --> 00:07:13,000 arintii ku saabsanayd 167 00:07:13,000 --> 00:07:16,000 bikranimada iyo jannada, 168 00:07:16,000 --> 00:07:19,000 Oryantaaliiskii qadiimka ahaa ayaa arinka soo galaya markan. 169 00:07:20,000 --> 00:07:22,000 Kelmeda afarta jeer lagu sheegay Quraanka 170 00:07:22,000 --> 00:07:24,000 waa Xuur. 171 00:07:24,000 --> 00:07:26,000 kelmeda waxa loo tarjuntay 172 00:07:26,000 --> 00:07:29,000 jaariyado indha madmadow oo naasa buurbuuran, 173 00:07:29,000 --> 00:07:32,000 ama curubooyin bikra ah. 174 00:07:33,000 --> 00:07:35,000 Laakiin waxa carabida asalka ah ku jira 175 00:07:35,000 --> 00:07:38,000 waxa weeye mid kaliya oo ah ''Xuur''. 176 00:07:39,000 --> 00:07:42,000 Ma aha mid naasa buurbuuran mana aha mid curubo ah. 177 00:07:42,000 --> 00:07:44,000 (Qosol) 178 00:07:44,000 --> 00:07:46,000 Tan waxa la dhihi karaa 179 00:07:46,000 --> 00:07:48,000 ''Abuur saafi ah' sida malaaigta oo kale, 180 00:07:48,000 --> 00:07:51,000 ama sida Giriiga Kuuros ama Kooree, 181 00:07:51,000 --> 00:07:53,000 oo ah dhalinyarimo abadi ah. 182 00:07:53,000 --> 00:07:56,000 Laakiin runtu waxay tahay qofna ma oga, 183 00:07:56,000 --> 00:07:58,000 taasina waa ujeedada. 184 00:07:58,000 --> 00:08:00,000 Sababtoo Quraanku waa cadeeyay 185 00:08:00,000 --> 00:08:02,000 markuu leeyahay waxaad noqon doontaan 186 00:08:02,000 --> 00:08:05,000 ''abuur cusub janada dhexdeeda'' 187 00:08:05,000 --> 00:08:07,000 taasina waxa weeye' waxa laguu abuuri donaa 188 00:08:07,000 --> 00:08:10,000 qaab aanad garanayn adigu'' 189 00:08:10,000 --> 00:08:13,000 Kaasoo kaba sii qurux badnaa kara 190 00:08:13,000 --> 00:08:15,000 xuuralcaynta aynu aamisannahay. 191 00:08:15,000 --> 00:08:23,000 (Qosol) 192 00:08:23,000 --> 00:08:26,000 Tiradaa 72 marna lama sheegin . 193 00:08:26,000 --> 00:08:28,000 Laguma sheegin 72 bikro ah/xuuralcayn ah 194 00:08:28,000 --> 00:08:30,000 Quraanka. 195 00:08:30,000 --> 00:08:33,000 Aragtidaasi waxay aburantay 300 oo sano kadib 196 00:08:33,000 --> 00:08:36,000 Culumada Islaamka waxay ku masaaleeen 197 00:08:36,000 --> 00:08:38,000 sidii dad baalal leh oo daruuraha ku fadhiya 198 00:08:38,000 --> 00:08:40,000 walax dhawaaq macaanna tumanaya. 199 00:08:41,000 --> 00:08:44,000 Janadu waa kasoo horjeedka taas. 200 00:08:44,000 --> 00:08:46,000 bikronnimo maaha; 201 00:08:46,000 --> 00:08:48,000 waa irmaan. 202 00:08:48,000 --> 00:08:50,000 waa badhaadhe. 203 00:08:50,000 --> 00:08:52,000 Waa beero lagu waraabiyay 204 00:08:52,000 --> 00:08:55,000 durduro qulqulaya. 205 00:08:55,000 --> 00:08:57,000 Mahadsanidiin. 206 00:08:57,000 --> 00:09:12,000 (Sacab)